Howlgal 24 saac qaatay oo ugu damnbeyn lagu soo qabtay Cali Max’ed  Xassan (Sawirro)

Howlgal  qaatey muddo 24 saacadood oo ay sameeyey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka saldhigga Dharkeynlay waxaa gacanta lagu soo dhigey gacanku dhiigle laga daba joogey.

Taariikhda markay aheyd  09-05-2024  abaaro 10:00am waxaa dhaawac toorey loo geystey  muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  dhibane marxuum   Ismaaciil Yuusuf Axmad  Ina Muumino  Maxamed  Cumar 40 jir ah saacado  ka dibna  dhibanaha wuxuu u geeriyoodey dhaawicii  ka soo gaarey  tooreydii uu la dhacay gacan ku dhiiglaha

“Maanta  oo taariikhda tahay 10-05-2024 waxaa gacanta lagu soo dhigay eedeysane gacan ku dhiigle Cali Maxamed  Xassan ina Suldaano Cali  Aadan 16 jir ah kaasoo howlgalka lagu baadi goobaayey ay ku jireen ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  muddo 24 saacadood ah” ayaa lagu yiri  war ka soo baxay Booliska.

Waxaa howlgalkaas gacan ka geystey bulshada Soomaaliyeed ee degan degmada Dharkeynlay  oo gacan siiyey  ciidanka boliiska Soomaliyeed sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

- Advertisement -