Hay’adda Duulista Rayidka oo Digniin adag u dirtay Shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka howlgala

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal digniin oo ku socda shirkadaha duulimaadka Soomaaliya, kuwaa oo caado ka dhigtay in ay ku silciyaan dadka rakaabka gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Qoraalka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen  cabashooyin badan oo laga gudbiyay shirkadaha diyaaradaha oo dadka rakaabka ah waqti badan ku haya terminaalka garoonka diyaaradaha .

Shirkadaha diyaaradaha ayaa looga digay in 3 saacadood ka badan aysan rakaabka safraya garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin bad-qabka diyaaradaasi safarka u baxaeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -