Ciyaartoyga ugu firfircoon Xulka qaranka Somalia oo laga reebay tartanka AFCON (Sawirro)

Ciyaartoy ka mid ah kuwa ugu firfircoon xulka qaranka ee 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka Qaramada Qaaradda Afrika (U17).

Cabdixaafid oo ka mid ahaa xulka Qaranka ayaa markii la marsiiyay baaritaano lagu ogaanayo da’da waxaa la shaaciyay inuu ka wayn yahay da’da 17 sano.

Qoraal la soo dhigay boogga rasmiga ah ee facebook ee Somali Football Federation, ayaa arrintan ku tilmamay nasiib daro.

“Waxaa maanta soo baxday natiijada MRI la marsiiyay cayaartoyda qaranka oo lagu ogaanayay in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta. Nasiib darro Soomaaliya waxaa naloo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahan Cabdixaafid Maxamed.

Xiririka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa sheegay inuu dalbaday cadeymo dheeraad ah maadaama baaritaanka qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay SCANADU sheegeen in Cabdixaafid uu gudbay kuna gudbay 5+ oo ahayd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin marxaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka.

Cabdi Xaafid ayaa waxaa si wayn loogu xusuustaa in uu kaalin mug leh ka qaatay qaaditaankii koobka kubadda cagta bariga Afrika ee 17 jirada oo Itoobiya lagu qabtay sanadkii hore.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed “Cali Shiine” ayaa gaaray dalka Algeria, isagoo ka mid ah madaxda lagu casuumay furitaanka tartanka 17-jirada Qaraada Afrika ee AFCON 2023.

Guddoomiye Cali Shiine waxaa dalka Algeria ku soo dhaweeyay Maxamed Cali Ciise “Ciiro” oo ah madaxa Wafdiga Xulka, Xuseen Abkow oo ah la taliyaha Guddoomiyaha, iyo Bashiir Salaad Barre “Bashir Dheere” oo ka tirsan Guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya.

 

- Advertisement -