Madaxweyne Deni oo xeer ku soo saaray dhismaha hey’ad cusub (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 27-da April 2023, kuna saabsan dhismaha Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-araginmadooda shaqo

Markuu arkay: Baahidda loo qabo Horumarinta Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa la Aasaasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamuud Xassan Aw Yuusuf loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Dowladda Puntland

3. Waxaa Nuur Ciise Maxamed loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda Puntland

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

- Advertisement -