Al Shabaab oo Koronto la’aan dhigtay deegaano kuyaala dalka Kenya 

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Gobolka Lamu ee dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab khasaaro gaarsiiyeen shirkad korontada siin jirtay magaalooyin iyo deegaano kuyaala gobolka Lamu.

Al Shabaab ayaa beegsatay xarun koronto oo dowlada Hoose leedahay , waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qeybo badan oo kamid ah xarunta Korontada oo kutaala Lamu ay bur buriyeen Al Shabaab.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay jareen  Khadkii Korontada siinayay illaa iyo laba gobol oo kamid ah dalka Kenya ,waxa ayna Al Shabaab sheegeen in wali koronto la’aan ka jirto qeybo kamid ah gobolada Lamu iyo Tana Riva .

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab ku qaadeen xarunta koronto ee kutaala Xadka Soomaaliya iyo Kenya , lamana oga ilaa hada khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkan Al Shabaab ka geesteen gudaha Kenya.

Al Shabaab ayaa horey u bur burisay xarumo iyo teendhooyin ay leedahay shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom, waxa ayna weerarada Al Shabaab gudaha Kenya ka geestaan saameyn badan ku yeelatay dadka kunool Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -