Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Cabdixakiin Jimcaale Aadan oo haatan ku sugan Mareykanka ayaa beeniyey warar sheegayay inuu iska dhiibay dalka Canada oo lagu faafiyey baraha bulshada

Cabdixakiin Jimcaale Aadan sheegay in dalka Mareykanka ay tageen isagoo qeyb ka ah wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineysay Wasiirka haweenka Khadiija Maxamed Diiriye oo shir caalami ah uga qeyb galay New York, isagoo xusay inuusan u safrin dalka Canada uu weli joogo Mareykanka

“Waan la yaabay markaan arkay warkaas oo baraha bulshada wareegaya, waa been abuur cad iyo marin habaabin, hadda waxaan arrimo ii gaar ah u joogaa Mareykanka, waxaan ku laabanayaa Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka

Sababta uu uga haray wafdigii Wasaaradiisa ee wasiir Khadiija hoggaamineysay ayuu sheegay Wasiir ku-xigeenka inuu soo booqanayey Soomaalida ku nool Minnesota, uuna kula kulmay dad isku xiran oo ka wareystay xaaladda dalka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay inuu garanayo qolada ku been abuuratay, oo uu xusay iney lahaayeen ujeedooyin guracan, isagoo balan-qaaday inuu la xisaabtami doono markii uu dalka ku laabto” ayuu yiri Cabdixakiin Jimcaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -