Boob caawa loo geystay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Islii ee Magaalada Nairobi

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla xaafada Soomaalidu ku badan tahay Islii ee magaalada Nairobi ayaa caawa loo geystay bililqo xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in dukaamo badan  ka jabsaday, ka dibna la boobay wuxii hanti ahaa ee ku jiray ka dib markii ay ku soo qamaameen dad fara badan  oo ka qaatay alaabo kala duwan oo iskugu jiray, dhar, qalabka Electrooniga iyo waxyaabo kale.

Dukaamada la boobay ayaa waxa intooda badan iska leh dad Soomaali ah, waxaana xusid mudan in dadka wax boobayey ay intooda badan ahaayeen Soomaali kale sida ka muuqato muuqaalo la soo geliyey baraha bulshada.

Arrintan ayaa timid xili ay maanta kacsaneyd xaalada magaalada Nairobi oo ay ka dhaceen Dibed baxyo rabshado watay kuwaaasoo ay sameynayeen shacab taageersan Mucaaradka.

Waxaa dibed baxan ku dhawaaqay Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo maalmo la hadlayey taageerayaashiisa.

Odinga ayaa doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse waxaa uu shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Dadka dibed baxayaasha ayaa ka cabanayay arrimo ay ka mid yihiin in doorashadii dhacday sanadkii hore ay iyagu ku guuleysteen balse looga shubtay ayna taas tahay cadaalad daro.

Sidoo kale, waxay ka cabanayeen in wax laga qabto nolosha sii qaaliyoobaysa ee dalkaas iyo sicir barar ku yimid raashiinka iyo waxyaabaha kale ee nolosha daruuriga u ah.

Booliska ayaa la hardamayay dadka dibed baxyada sameynayay oo jaray jidadka qaar iyagoo tuuraya dhagxaan, isla markaana gubaya taayero, Booliska ayaa xirxiray qaar ka mid ah dibed baxayaasha.

Dibed baxan ayaa saameeyey isku socodka dadka, gaadiidka oo aad u yaraaday magaalada Nairobi, iyadoo inta badan ay albaabada u xirnaayeen goobaha ganacsiga, waxaana meelaha uu saameynta ku yeeshay ka mid ah xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -