Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyay Deegaan Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidamo katirsan xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ayaa maanta howlgal ka dhan ah  Al-Shabaab ka fuliyey deegaanno u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay ku guuleesteen in ay soo saaraan miinooyin Al Shabaab ku aaseen hareeraha waddooyinka, waxaana miinooyinkan ciidamada soo bixiyeen iyaga oon qarxin.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee howlgalkan hoggaamineysay ayaa sheegay in ay tageen deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen ,balse isaga carareen markii ay tageen ciidamada xoogga dalka.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo kawada deegaanno katirsan gobolka Galgaduud ay joogaan Al Shabaab, howlgalkan ayaana imaanaya xilli dhawwaan la filayo in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka qaadaan guluf dagaal oo lagu weeraro Ceelbuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -