Madaxweyne Xasan Sheekh oo Boggaadiyay howlgal ay fuliyeen Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ka fuliyeen deegaanno kuyaalla duleedka Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu boggaadinayo howlgalkii ciidamada huwanta ah shalay ku gaareen deegaanno ay horey u joogeen Al Shabaab kuna dileen xubno badan oo kooxdaasi katirsanaa.

Waxa uu sheeay madaxweynaha in Jubbaland ka socdo howlgalo la doonayo in Al Shabaab halkaasi looga saaro, waxa uuna xusay in dhawwaan rejo ka qabaan in Al Shabaab laga saaro goobo badan ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo safar ku joogay maalmihii lasoo dhaafay Kismaayo ayaa sheegay in safarkiisa u ahaa mid guuleed, waxa uuna u mahad celiyay madaxda Jubbaland iyo shacabka kunool deegaannada maamulkaasi.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli shalay ciidamada Danab iyo kuwa Nabad sugida Jubbaland fuliyeen howlgal la sheegay in lagu dilay in ka badan toban  xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -