Dowladda Mareykanka oo Muuse Biixi kala hadashay colaada Laascaanood iyo Arrimo kale (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku tagay magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa warbixin ka siiyey Tim Trenkle xaaladda guud ee Somaliland gaar ahaan xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Safiir kuxigeenka Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa u sheegay madaxweyne Muuse Biixi in ay ka xun yihiin colaada ka aloosan magaalada Laascaanood gaar ahaan dhibaatada shacabka kasoo gaartay, waxa uuna ugu baaqay in xaalada lagu dhameeyo wadahadal.

Kulanka dhax maray madaxweyne Muuse Biixi iyo safiir kuxigeenka Mareykanka ayey kaga wada hadleen dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhaxeysa dowladda Mareykanka iyo maamulka Somaliland gaar ahaan xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

- Advertisement -