Dilaa halis badan kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka qeybgalo dagaalka ka socda Ukraine

Dhiig-Yacabka weyn ee Raashiyaanka ee lagu magacaabo Mikhail Viktorovich Popkov waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro askarta Raashiya ee dagaalka kula jira milliteriga dalka Ukraine.

Wareysi uu telefishinka Qaranka Raashiya kula yeesheen xabsiga uu ku xiran yahay waxa uu eedeysanaha codsaday inuu ka qeyb galo dagaalka Ukraine, maadaama ay Dowladda Raashiya horey u sheegtay in la cafinayo maxbuuskii 6 bilood ka qeyb qaata dagaalka Ukraine, waaba haddii ay sii noolaadaan.

Dilaaga Mikhail V. Popko waxaa la xukumay, kadib, markii lagu helay inuu kufsaday, kadibna dilay Haween badan, isagoo u adeegsaday mindiyo, faasas, kashawiitooyin ama qalab kale oo mudac leh.

Ilo la tirsan bioliska Raashiya waxay rumeysan in tirada haweenka uu dhibaateeyey ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 200 oo Haween, kuwaasi oo ay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 50 jir.

Wareysiga Mikhail Popkov siiyey Telefishinka Qaranka Raashiya waxa uu tilmaamay inay riyadiisa tahay inuu ku biiro ciidanka Raashiya iyo inuu dagaal u aado Ukraine.

Dilaaga waxa uu sheegay inuu garanayo inuu dagaalku yahay Khatar xaqiiqo ah oo uusan dagaalku ahayn sida ciyaarta Video-ga (a video game).

Waxa kale oo uu wareysiga ku sheegay inuu ka baqo qabowga daran, kana door-bidayo in loo diro dagaalka oo uu xusay inuu soo badbaadi doono.

Dilaaga Mikhail Popkov waxa uu dilal baahay ka geystay magaallooyinka Arngark, Irkutsk oo  tirsan Gobalka Saybeeriya iyo Vladivostok ee bariga fog ee dalka Raashiya muddadii u dhexeysay sanadihii 1992-kii ilaa 2010-kii.

Tirada haweenka uu kufsaday, kadibna uu dilay waxaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 200 oo qof, inkastoo markii la maxkamadaynayey lagu soo oogay 78 Fal-dembiyeedyo Dilal iyo Kufsi ahaa.

W/T Ustaad Nuradin Abukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -