Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo go’aan ka soo saaray sharciga heyadda NISA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Shirka ayaa looga hadlayey hindise sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).

Labada sharci ayaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wasiirada xukuumada Somalia, waxaana haatan ay hor yaalaan labada aqal ee baarlamanka oo marka ay ka doodaan cod u qaadi doona.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) kuwaasoo ay xukuumadu soo gudbisay.

Waxay guddigu go’aansadeen in la geeyo Golaha, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo  ilaalinta kooramka xildhibaannada.

Dhinaca kale, Gudiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga Ayaa kulan is xogwareysi la yeeshay He’yada Taya-Dhowrka Soomaaliyeed (Somali Bureau of Standards SOBS)

Waxayna si qoto dheer iskaga wareeysteen  xaalada Hay’ada meesha ay wax u marayaan iyo qaabkii loo hormarin lahaa tayo dhowrka Soomaaliya maadaama ay hayadan laf dhabar u tahay tayo dhowrka Dowlada Soomaaliya shaqo adagna ay Qaranka u hayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -