Muslimkii ugu horeeyey oo ka mid noqonaya Aqalka senate-ka Mareykanka

Siyaasigii ugu horeeyey ee muslim ah ayaa lagu wadaa inuu xubin ka noqday markii horeysay aqalka Senateka Mareykanka

Mehmet Oz oo asal ahaanna ka soo jeeda dalka Turkiga, ayaa lagu wadaa in uu noqdo qofkii ugu horreeyey ee Muslim ee ka mid noqda Golaha Senate.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa taageero weyn ka helaya Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Waxaa uu tartan adag gobolka Pennsylvania kula gelayaa musharrax ay wataan Xisbiga Dimuqraadiga ah ee John Fetterman, waxaana aad loo filayaa inuu doorashaad ku soo Baxo Mehmet Oz

Mehmet Oz ayaa ah shakhsi si weyn looga dhex yaqaan gobolka uu ka tartamayom shaqooyin badana ka soo qabtay taasoo u sahleysa inuu codad badan helo.

Doorashada xilliga dhexe ee dhowaan ka dhici doonta dalka Maraykanka ayaa ah mid xiiso gaar leh oo isha si weyn loogu hayo.

Waxaa tarantanka qayb weyn ka ah Bulshada Muslimiinta ah ee dalkaas ku dhaqan, kuwaasoo sannadkan u xusul duuban ka mid noqoshada Golaha odayaasha ee dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -