DF oo War kasoo saartay Heshiiskii dhaxmaray Dowladda Itoobita iyo TPLF

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweesay heshiiska horu dhaca ah ee dalka Koonfur Afrika ku gaareen dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalanta Waqooyiga dalka Itoobiya.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskna muhiim u yahay xasiloonida Itoobiya uuna ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka,barwaaqo iyo midnimo.

”Dawladda Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Xalka Afrika ee mushkiladda Afrika” uu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran  iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa colaadda, colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqo, kobac dhaqaale  gobolka iyo meelo kale. Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.” ayaa lagu yiri qoraalka DF kasoo baxay.

Midowga Afrika ayaa wadahadalo garwadeyn ka yahay isugu keenay wakiillo kala matalayay dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF, waxa ayna labada dhinac gaareen heshiis xal loogu raadinayo colaada dalkaasi ka aloosan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -