Sirdoonada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis gaaray (Sawirro)

Hay’adaha nabadsugida iyo sirdoonka u qaabilsan dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis wada shaqeyn toos ah oo ay yeeshaan iyo sidoo kale is dhaafi dhinaca xogaha sirdoonka

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo taliye ku xigeenka Sirdoonka Itoobiya General Sisay Tola, oo magaalada Muqdisho ku kulmay ayaa ka wadahadlay arrimo badan oo quseeya dhinaca sirdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale labada agaasime uga wada hadleen sidoo looga hortagi lahaa khataraha kooxda Al Shabaab iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen dagaal dhinaca sirdoonka ah oo ka dhan ah kooxdaasi.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab isaataga ay u muujiyeen, waxa uuna sheegay iskaashiga labada sirdoon uu suurto gelin doono fashilinta dhagarta kooxaha argagaxaisa.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay dhankiisa in iskaashiga cusub ay yeesheen labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu suurto gelinayo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Itoobiya ayaa kala hadlay Ra’isul Wasaaraha dalkaasi xoojinta xiriirka labada dal iyo in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -