Maamulka G/Banaadir oo ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah ganacsatada

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa sheegay inaan wixii hadda ka dambeeya loo dulqaadan doonin ganacsatada lacagaha siiya Al-shabaab.

Cali Yare Cali oo maanta saxaafada kula hadlayey Isbitaalka Madiina oo la geeyey dhaawacyo fara badan oo ka dhashay qaraxii Soobe ayaa sheegay in dhaqaalaha ay bixiyaan ganacsatada loo adeegsado in lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.

“Marka ay naga dhamaato howsha gurmadka ah ee aan ku taageereyno dadka dhaawaca ah, waxaan sameynaynaa kacdoon ka dhan ah ganacsatada, waxaan xireynaa Suuqyada waaweyn sida Bakaaraha, Suuq bacaad iyo Suuqyada kale inta ganacsatadu ay ka shaacinayaan iney joojiyeen dhaqaalaha ay siiyaan argagxisada arxabka daran” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sido kale Cali Yare ayaa ku eedeeyey ganacsatada iney caruurtooda geysteen dibedaha si aysan waxyeelo uga soo gaarin qaraxyada taas bedelkeedna ay dhaqaale siiyaan Al-shabaab si loogu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay Soomaalida in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-shabaab iyo ganacsatada dhaqaalaha ku taageera si loo joojiyo dhibaatooyinka malin walba loo geysanayo shacabka ana waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -