Col. Koofi: “Soomaaliya, waxaa heysta cadow aan arxan laheyn, diin laheyn, damiir laheyn”

Soomaaliya, waxaa heysta cadow aan arxan laheyn, diin laheyn, damiir laheyn, xishoodna aan laheyn.

Dalku wuxuu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana shacab iyo dowladba loo dhaqaaqey sidii la isaga dulqaadi laheyn cadowgaan nabad-diidka ah, culimaduna ku caddeeyeen in ay yihiin khawaarijta casriga.

Sida taariikhaha Nabad-diidka caalamka soo marey ku cad, markasta oo culeys la saaro, ayna dareemaan in lagu soo jeestey, waxay ku dhaqaaqaan arimahaan;

1) Shacabka ayey beegsadaan iyo birma-geydada, si ay ugu gambadaan xanuunka shacabka

2) Colaado kooxeysan ama qabiileysan ayey abuuraan, si ay ugu dhex noolaadaan

3) Dhaqan iyo odayo been abuur ah ayey sameeyaan, waxayna dhinac maraan dadka bulshada matala ee saxda ah

4) Dhaqaale ayey ku bixiyaan si ay u helaan bulsho kala qeybsan

5) Halbowleyaasha nolosha ayey beegsadaan

6) Cid kasta oo cadow u ah ummadda ay la dagaalayaan ayey soo dhoweystaan

7) Culimada iyo aqoonta bulsha ayey beegsadaan.

Hadaba Soomaaliyeey, haddii nooca cadowga na hayaa sidaas yahey, waxaa nala gudboon;

1) Inaan dhammaanteen u istaagno sidaan isaga dulqaadi laheyn cadowgaan nolosha noo diidan

2) Inaan garab istaagno dowladda Soomaaliya ee sharciyadda heysata, iskana ilaalino xeeladaha khawaarijta ee kala qeybinta iyo isku dirka

3) Inaan yareyno isku imaadka, kana fogaano goobaha saxmadda badan

4) Inaan ilaashano halbowleyaasha nolosha, sida; Jidadka muhiimka, Buundooyinka, Ceelasha biyaha, ilaha dhaqaalaha, goobaha cibaadada iyo dadka muhiimka ah

5) Inaan xogta wadaagno, kana joojino in ay helaan wax dhaqaale ah

6) Inaan wax kasta oo aan heli  karno ku bixinno la dagaalanka Khawaarijta

7) Inaan adkeysi la imaano, loona dabcin khawaarijta naf la-caariga ah inta aan ka adkaaneyno.

Dagaalka lagula jiro khawaarijta ee hadda socda, waxaa ka dhalanaya khasaarooyin nafeed iyo mid hantiyeed, shaqo la’aan iyo faa’iido la’aan, wuxuu yeelanayaa saameyn dhaqaale oo ballaaran. Dulqaad, adkeysi, iyo sabir waa inaan la imaanaa inta laga guuleysanayo cadowgaan.

Ogoow, Qofkii dila iyaga, waa janneystey, key dilaanna, waa janneystey, inshaa Raxmaan.

Dowladda Soomaaliyeed oo aan dareemayo in ay dadaaleyso, waxaan kula talinayaa;

1) In dagaalka la xoojiyo, furimahana la ballaariyo oo dalkoo dhan dagaalka laga bilaabo, siyaasadaha iyo khilaafkana meel la iska dhigo

2) In la helo siyaasad lagu maareynayo khasaaraha ka dhalanaya dagaalka lagula jiro khawaarijtu iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan

3) In muddo sanad ah la hakiyo dugsigada waxbarashada, Jaamacadaha, shirarka iyo shaqooyinka dowladda, xooggana la isugu geeyo dagaalka. Tan waxay xoojineysaa dagaalka, waxayna yareyneysaa khasaaraha falalka naf la-caariga ah ee khawaarijta

4) In amni xoogan loo sameeyo ilaha dhaqaalaha, jidadka iyo buundooyinka muhiimka ah, ganacsiyada waaweyn iyo danaha kale ee muhiimka ah

5) In la diiwaangeliyo dadka iyo gaadiidka magaalooyinka waaweyn, ayna ugu horreyso Muqdisho.

Ugu danbeyn, haddii aan u wada istaagno, muddo kooban ayaan dhinac iska marin karnaa khawaarijta iyo inta la socota, waxaana uga gudbi doonaa nabad, hormar iyo barwaaqo insha allah.

Ummad wadajirta, soona jeedda, lama waabin karo.

W/Q: Col. Dr. Maxamed Aadan Koofi
Taliyihii hore ee hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha

- Advertisement -