Ciidanka Nabad sugida oo howlgal ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulada Neebsooy ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay iney howlgalkaas ku dileen laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo uu ku jiray nin sarkaal ah

Howlgalkani oo ka dhacay meel 40 km u jirta Beydhabo waxaa lagu dilay sarkaal Al-Shabaab  u qaabilsanaa weerarada, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cali Nuur iimaan (Tufow), halka sidoo kale la dilay Awal Macalin Cabdulahi oo ka mid ahaa ahaa ilaaladiisa.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka koonfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay inay howlgalada ay  sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Koonfur galbeed laga saarayo kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -