Cali Guudlaawe oo labo sano ka dib shaaciyey Gole wasiiro ka kooban 81 xubnood (Magacyada)

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Ku-xigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.

Magacaabidda Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa qaadatay muddo labo sano ah, tan iyo markii Madaxweyne Cali Guudlaawe la doortay dhammaadkii sanadkii 2020.

Waxaana muddadaas shaqeynayay Wasiiradii Maamulkii Madaxweyne Waare iyo xubno kooban oo isku shaandheyn lagu sameeyay.

Hirshabelle oo lagu tiriyo maamulada ugu dhaqaalaha liita Somalia ayaa la isweydiinayaa halka laga keeni doono dhaqaalaha ku baxaya mushaharkooda iyo arrimaha la xiriira amaankooda.

HOOS KA AKHRISO MAHACYADA

 

- Advertisement -