Jabhadda ONLF oo eedeyn kulul u jeedisay maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Afhayeenka jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya inay hurinayaan dagaalka u dhexeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalada ay khasaare dhaliyeen oo ay in ka badan 50 qof ku dhinteen.

“Waxaan u aragnaa inuu yahay dagaal khalad ah o dulmi uu ku jiro oo dadka Soomaalida lagu soo qaaday, eeddeedana waxaa iska leh maamulka gobolka Oromada oo maleeshiyaad abaabulan oo hubaysan oo tababaran ku weeraray dad shacbi ah oo Soomaali ah” ayuu yiri Hirmooge.

Dhan kale, Maamulka deegaanka Oromiya oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku laheyn collaada ka dhex alloosan Soomaalida Iyo Oromada.

Mas’uuliyiinta deegaanada Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ku heshiiyay in ciidamo boolis ah la geeyo goobaha ay ku dirirayaan Soomaalida Iyo Oromada dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa kale oo ay shegeen inay ku heshiiyeen kullamo lagu qaban doono xudduudaha ay wadaagan labada maamul si looga shaqeeyo nabadda, iyadoo ciidamada milateriga Itoobiya loo diray goobaha ay colaaduhu ka jiraan si ay xaalada u dejiyaan.

Collaadda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida ee ka socota qeybo kamid ah dalkaasi ayaa waxaa ku barakacay ku dhowaad hal milyan oo qof oo labada dhinac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -