Shirkii Brussells oo la soo gebagebeeyey iyo War-murtiyeed laga soo saaray

Waxaa Magaalada Brussells ee xarunta dalka Belgium-ka caawa lagu soo gebagabeeyay shirkii arimaha Soomaaliya ee ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowladda dhexe oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, Ururada bulshada raydidka, Ganacsato iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wajiga Koowaad ee shirkan oo uu shalay furay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin ammaanka, Xalinta khilaafaadka, Ganacsiga Doorashooyinka dalka 2020-ka iyo qodobo kale.

Kulankan oo wajigiisa labaad uu maanta galay sidoo kalena caawa la soo gabagebeeyay ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay abaal u hayso dhammaan qaybaha caalamka ee dowladda kala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Ugu dambeyn waxaa laga soo saaray shirkan war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhammaan madaxdii ka qeyb gashay kaasoo ku saabsan qodobada ka soo baxay shirkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -