War cusub oo laga soo saaray ninkii weerarka ka fuliyey Suuqa Copenhagen

Booliska magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa sheegay in ninkii saddexda qof ku dilay suuq ku yaalla magaaladaas uu kaligiis ku kacay fal dambiyeedkaas oo aanay jirin cid kale oo ku lug laheyd.

Booliiska waxa kale oo ay sheegeen inuu dadkaas u doortey isaga oo aan aqoon ku beegsan, weerarkuna aanu ahayn argagixiso.

Ninkan oo 22 jir ah una dhashay Denmark ayaa lagu soo oogey dacwad hordhac ah oo isugu jirta dil iy isku day dil, waxaana lagu haynaya isbtitaalka dadka qaba xanuunada maskaxda 24 saacadood oo ay booliisku baadhayaan kiiskiisa.

Raiisel wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah.

Waxay tacsi u dirtay ehellada dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay,iyadoo ugu baaqaday dadka dalka Denmark, in ay midoobaan ayna is taageeraan xilligana adage e lagu jiro.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 isugu jira dukaamo iyo makhaayado.

 

- Advertisement -