Xulka Qaranka Somalia oo loo Magacaabay Macalin cusub oo ajnabi ah (Sawirro)

Xiriiirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa u magacaabay macalin ajnabi ah xulka Qaranka Soomaaliya.

Rachid Lousteque ayaa loo magacaabay inuu noqdo Macalinka xulka Qaranka Soomaaliya.

Macalinkan oo u dhashay dalka Morocco ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Xulka Qaranka ayaa ka qeyb galaya dhowaan kulanka Chan cup-ka ee ay Soomaaliya la ciyaari doonto Dalka Tanzania.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili xulka Qaranka Somalia uu guuldarooyin isdaba joog ah ka soo hoyey tartamo caalami ah oo ay ka qeyb galeen dhowaan, lamana oga waxa tababaraha cusub ee ka bedeli karo qaab ciyaareedka xulka Qaranka.

- Advertisement -