(Sawirro) Al-Shabaab oo Isbitaal weyn ka daahfurtay degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe

Munaasabad lagu daahfurayey isbitaal weyn oo laga hirgeliyey degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa lagu qabtay gudaha degmadaasi, taasoo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Isbitaalkan oo bixin doona adeegyo caafimaad ah oo muhiim ah, loona soo xulay qalab iyo dhaqaatiir ku filan ayaa in muddo ah lagu howlanaa diyaarintiisa.

Agaasimaha isbitaalka ayaa xafladda ka jeediyey khudbad muhiim ah, kaasoo ka warbixiyey isbitaalka iyo adeegyada uu bixin doono, isagoona fariimo muhiim ah u jeediyey bulshada.

Mas’uuliyiinta kasoo qeybgalay xafladda lagu daahfurayey isbitaalka guud ee degmada Jilib waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Jubooyinka, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, kaasoo fariimo muhiim ah u jeediyey bulshada iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed, uguna baaqay inay ka qeyb qaataan dadaalada lagu daboolayo baahidooda caafimaad.

Sheekh Abuu Cabdalla ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta ay Al-Shabaab ku lahayd dhismaha isbitaalka iyo cidda uu hadda u adeegi doono, isagoo ugu dambeyntii furayaasha isbitaalka ku wareejiyey gole ay iska soo xuleen dadka deegaanka.

Isbitaalkan ayaa mid aad u ballaaran oo si heersare ah loo qalabeeyey isla markaana la filayo inuu daboolo baahida caafimaad ee deegaanada gobolada Jubooyinka iyo nawaaxigeeda, dad fara badan oo dareemaya baahiyo caafimaad.

- Advertisement -