Xeer Ilaalinta Qaranka oo u yeertay Wasiirka Maaliyadda iyo Waxa loo heesto

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka gaar ahaan qeybta qaabilsan dambiyada lidka ku ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa loogu yeeray wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xafiiska xeer-ilaalinta Qaranka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in baaris lagu hayo dambiyo la xariira maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka , waxaana xeer ilaalinta Qaranka sheegtay in wasiirka maaliyadda wax laga weediinayo baarista socota.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaana lagu amray in xafiiska xeer-ilaalinta Qaranka ku horyimaado 27-ka bishan Juun , waxaana wasiirka warqadan lagu faray in waqtiga ilaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -