Madaxweyne hore oo lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo Dambiga ay gashay oo la cadeeyay

Madaxweynihii hore ee dalka Bolivia Jeanine Áñez ayaa lagu xukumay 10-sanno oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay in ay sameesay isku day afgembi oo ka dhan ahaa Madaxweynihii ka horeeyay ee Evo Morales..

Maxkamada kiiska dacwadaha ka dhanka ah Jeanine Áñez qaadeysay ayaa sheegtay in muddadii ay xilka Madaxweynaha heesay sidoo kale sameesay go’aamo ka soo horjeeda dastuurka dalka Bolivia.

Madaxweyne hore Jeanine Áñez oo 54-sanno jir ah ayaa lagu xukumay 10-sanno ay ku qaadan doonto xabsiga haweenka ee kuyaalla magaalada La Paz, waxaana xukunkan cambaareeyay taageerayaasha Anez.

Qareenka Áñez ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunkan cadaaladna ay u raadsan doonaan ururada caalamiga, waxa ayna xukunkan ku tilmaantay mid cadaalada ka fog oo siyaasad ka dambeesa.

Madaxweynihii hore ee dalka Bolivia Jeanine Áñez ayaa sheegtay in dhibane u tahay fal dambiyeed siyaasadeed oo iyada ka dhan ah, waxa ayna tilmaantay in cadaadis siyaasadeed oo uu ku hayo xisbiga Mas Socialist ee uu maamulo Mr Morales.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -