Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Weerar ay ka fuliyeen Beer Xaani

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Beer Xaani oo katirsan gobolka Jubada Hoose.

War kasoo baxay howlgalka ciidamada Mareykanka ee Afrikom ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday deegaanka Beer Xaani lagu dilay ugu yaraan shan dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab .

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan dhacday xili dagaalyahanada Al Shabaab weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan dowladda, waxa ayna Mareykanka sheegeen in howlgalkaasi isla ogaayeen ciidanka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay milatariga Mareykanka ee fadhigoodu yahay Jabuuti ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah kaliyana lagu beegsaday dagaalamayaal katirsan Al Shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay u taageeraan ciidanka Soomaaliya ugana hortagaan kooxda Al-Shabaab .

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -