Xog ku aadan Tirada Dadka uu shaqaaleesiiyay Wasiir Cabdisaciid iyo Qabiiladooda !(Akhriso)

Wasiirkii shaqada laga joojiyay ee arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si musuqmaasuq ah u shaqaaleesiyay ku dhawwaad 200-qof oo isugu jira kuwa jufo ahaan is xigaan iyo kuwa asxaabtiisa u badan.

Cabdisaciid Muuse ayaa muddo todobo bil gudahood ku shaqaaleesiiyay dad ku dhaw labo boqol oo qof, waxaana dadkan qaarkood boosaska la geeyay laga eryay dad sannado badan wasaaradda arrimaha dibadda u shaqeenayay halka kuwa kalana boosas cusub loo abuuray.

Shaqaalahana uu wasiirka qoray inta uu xafiiska joogay ayaa u badan kuwa uu ku raaligelinayay beesha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Mareexaan iyo sidoo kale beesha uu kasoo jeedo ee Majeerteen, waxaana dadka kale iyana uu ku qoray asxaab.

Sida aan xogta ku helnay shaqaalaha cusub uu wasiirka qoray ayaa intooda badan laga shaqaaleesiyay safaarado kala duwan oo dowladda ku leedahay waddamada caalamka , waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo iyana xarunta wasaaradda ee Muqdisho shaqo laga siiyay.

Shabakadda Allbanaadir ayaana horey u shaacisay musuqmaasuqa wasiirka ka dhax waday wasaaradda arrimaha dibadda ,hasa ahaatee Ra’isul Wasaaraha ayaa awwood u yeelan waayay in tallaabo ka qaado wasiirka oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday dadkii uu shaqaaleesiiyay wasiirka waxii ka dambeeyay bishii janaayo ee sannadkan, waxa uuna xeer ilaalinta ku amray in Wasiirka baaraan loona gudbiyo kiiskiisa maxkamad.

Halkan ka Akhriso Shaxda tirada dadka uu Wasiirka arrimaha dibadda shaqaaleesiiyay iyo qabiiladooda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -