Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo ATMIS oo la baray Sirdoonka iyo Sahanka (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya (CXD) iyo ciidamo kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa tababbar ku saabsan sirdoonka, xooraanka iyo sahanka, (ISR)  loogu qabtay magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo gaarayay 32-askari oo ka kala tirsan milatariga Soomaaliya iyo ATMIS ayaa si gaar ah loo baray casharo ku saabsan sirdoonka iyo sidoo kale sahanka iyo xuuraanka cadawga kasoo horjeeda.

Tababarkan ciidamada la siiyay waxaa fududeysay kooxda taageerada hawlgalka ee boqortooyada Ingiriiska (UKMST) iyo adeegga tignoolajiyada Goobta ee Hay’adda Qaramada Midoobay.

Ciidamada tababarka usoo dhammaaday ayaa la siiyay shahaadooyin cadeenaya casharada ay barteen, waxaana ciidamadan lagu dardaarmay in ay ku shaqeeyaan casharada la baray gaar ahaan dhinaca sirdoonka iyo sahanka  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -