Erdogan oo shaaciyay in aysan Ogolaan doonin in Ururo argagaxiso lagu daro NATO

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa si weyn uga soo horjeeda in dowladaha Sweden iyo Finland xubin ka noqdaan Ururka Gaashaanbuurta NATO, xilli labadaasi codsi ku biiris ah u gudbiyeen NATO.

Madaxweyne Erdogan oo maanta hadal ka jeediyay  masjidka Hazrat Ali eek u yaalla magaalada Istanbul ayaa si adag u diiday in gaashaanbuurta NATO oo Turkiga xubin muhiim ah ka yahay kusoo biiraan Sweden iyo Finland.

‘’ Haddii aan ognahay in NATO ay aad u neceb tahay argagixisada , haddii aan ognahay in NATO ay tahay urur dhinaca ammaanka ah ..ma oggolaaneyno in urur argagixio lagu soo daro NATO , Haa ma dhihi karno , waxay ila tahay waxaa la mid ah Sweden iyo Finland ‘’ ayuu yiri Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Dowladaha Sweden iyo Finland in ay gabaad siiyaan sidoo kale taageeraan xubno badan oo katirsan ururka PKK oo dowladda Turkiga u aqoonsan tahay in uu yahay Urur argagaxiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -