Dowlada Somalia & IMF oo kala saxiixday heshiis cusub oo la xiriira deyn cafinta

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka Deyn cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kac sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxay ay ballan qaaday inay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Go’aanka  IMF ayaa yimid kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.

 

- Advertisement -