Xubnaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo la dhameestiray (Akhriso Magacyada)

Guddoomiyaha gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goordhaw dhameestiray xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa horey u magacaabay sideed xubnood oo kamid ah noqonaya guddiga doorashada Madaxweynaha, waxa uuna goordhaw kusoo dhameestiray saddex xubnood oo guddiga ka harsanaa .

Guddiga doorashada labada Aqal ee Baarlamanaka federaalka ayaa noqonaya 17-xubnood oo lix kamid ah katirsan yihiin Aqalka sare halka 11-ka kale ee xubnood ka yimaadeen dhinaca gollaha shacabka.

Waxaa lagu wadaa xubnaha guddigan doorashada in ay doortaan guddoon ayna soo saaraan jadwalka iyo habraaca doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda ka dhacdo Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -