DAAWO TOOS: Doorashadii Gudoonka Golaha Shacabka Somalia oo bilaabatay

Waxaa ka bilaabatay Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho doorashadii gudoonka Golaha shacabka baarlamanka JFS.

Hoolka teendhada Afisiyooni waxaa ku sugan Xildhibaano fara badan oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka kuwaasoo diyaar u ah iney kala saaraan musharaxiinta u tartamaya doorashada gudoonka sare iyo labadiisa ku-xigeen.

Doorashada Guddoomiyaha Baaramanka Somalia waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala  kala ah:-

1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig
2-Xildhibaan C/llaahi Axmed Aadan Black
3-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
4-Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur
5-Xildhibaan Sadiiq C/llaahi Cabdi
6-Xildhibaan Shariif Maxamed C/lla
7-Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Sidoo kale waxaa la dooran doonaa Gudoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo labaad ee golaha shacabka, iyadoo la filayo in doorashadan ay qaadato saacado badan oo la isla gaaro illaa caawa gelinka dambe.

HOOS KA DAAWO DOORASHADA SI TOOS AH

http://

- Advertisement -