Rabshado uu dhiig ku daatay oo Maalintii 2aad ka socda Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Booliska Israel ayaa markale gudaha u galay dhismaha masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus, iyagoo sheegay inay sugayaan marinka ay isticmaalaan dadka Yuhuudda ah ee booqanaya masaajidkan.

Arrintan ayaa sii hurinaysa xiisadda ka taagan masaajidkan, iyadoo Shaqaalaha caafimaadka Falastiiniyiinta ay sheegayaan in illaa 17 qof oo Falastiiniyiin ahi inay dhaawacmeen.

Rabshadahan cusub ayaa dhacay, laba maalmood uun ka dib, markii ay isku dhaceen ciidamada booliska Israel iyo dad ku cibaadaysanayey masaajidka Al-Aqsa. Sannadkii hore, sidan oo kale rabshado dhexmaray debedbaxayaal reer Falastiin ah iyo ciidamada Israel ayaa markii dambe isu rogay dagaal socday illaa 11 maalmood.

Masaajidka Al-Aqsa ayaa ah masaajidka saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka, halka uu yahay goob ay ka barakaystaan Yuhuudda iyo Masiixiyiintu, oo iyaguna u arka goob muhiim ah. Sheegashada masaajidkan ayaana xuddun u ah rabshadaha soo noqnoqda.

Sannadkan waxaa isku soo beegmay bisha barakaysan ee Ramadaanta oo muslimiintu ay aad ugu cibaadaystaan masaajidka, halka dhinaca masiixiyiintu ay xilligan ku guda jiraan xuskooda Easterka iyo Yuhuudda oo iyana xilligan ku jira ciid ay u dabbaaldegaan.

Dhammaan dhacdooyinkan ayaa isku xilli ku soo wada beegmaya, waana mid ka mida arrimaha saldhigga u ah xiisaddan cusub. Kooxaha masiixiyiinta iyo Yuhuudda ayaa doonaya inay cibaadadooda iyo fasaxyadooda ku qaataan goobo ku taalla masaajidka baraykaysan ee Al-Aqsa.

Booliska Israel ayaa sheegtay in ay gudaha u galeen dhismaha masaajidka si ay u fududeeyaan booqashada caadiga ah ee Yahuuddu ay ku tagaan goobtan barakeysan.

 

 

- Advertisement -