Midowga Afrika oo Wakiil cusub usoo magacaabaya Soomaaliya kaddib ceyrintii Madeira

Midowga Afrika ayaa lagu soo waramayaa in ay ka quusteen in Soomaaliya wakiil uga sii ahaado Danjire Francisco Madeira, oo xukuumadda Soomaaliya dalka ka ceyrisay ammarna ku bixisay in uusan dalka soo geli karin.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki ayaa horey uga hor yimid eryida wakiilkooda, hasa ahaatee waxaa hada muuqata in midowga Afrika ka quusteen in Madeira Soomaaliya kasii shaqeeyo, waxa ayna ka fekerayaan shaqsigii lagu bedeli lahaa.

Wargeyska The East African oo soo xiganaya Diblumaasiyiin si dhaw ula socda arrintaan ayaa sheegay in Midowga Afrika maalmaha soo aadan soo magacaabayo wakiil cusub oo Soomaaliya u jooga si loo yareeyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay eryida Madeira.

Howlgalka cusub ee ATMIS ee lagu baddelay AMISOM ayaa la kowsaday jahwareer siyaasadeed, kaddib markii xukuumadda Soomaaliya dalka ka ceyrisay Danjire Francisco Madeira oo hormuud u ahaa howlgalkan cusub ee la ansixiyay.

Wakiilkii Midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira ayaa dalka laga ceyriyay ,kaddib markii laga duubay cod sir ah uu ugu gefeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Madax hore iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -