Caqabad cusub oo soo wajahday dacwadii uu Fahad Yaasiin u gudbiyey Maxkamada Sare

Garyaqaanka guud ee dawlada Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka dalbaday Maxkamada sare in la hakiyo dacwada  uu Fahad Yaasiin ka soo gudbiyay guddiga doorashooyinka federaalka.

Qoraal ka soo baxay Garyaqaanka guud wuxuu ku sheegay in Maxkamadu ka sugto xafiiska garyaqaanka inta uu ka soo dhamaystirayo xogaha iyo cadaymaha looga baahan yahay.

Arrinkan ayaa dharbaaxo ku noqonaya qorshaha Fahad Yaasiin ku doonayay in kursigiisa si dhaqsi ah ay ugu fasaxdo Maxkamada sare.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

- Advertisement -