Wararkii Ugu Dambeeyay Dilal iyo qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Saacadihii lasoo dhaafay falal ammaan daro ayaa ka dhacay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana falalkaasi isugu jireen dil qorsheesan iyo sidoo kale qarax gaari lagu xiray.

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeyaha ku dilay nin dhallinyaro ah oo la sheegay in horey uga tirsanaa askartii ay tababareen Imaraadka balse markii dambe ciidanka isaga baxay.

Wiilkan la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dhallinyarada suuqa ka shaqeesata, waxaana goobta uu dilku ka dhacay isaga baxsaday kooxdii dilka geesatay, mana jiro ciidamada ammaan cid ay dilkaasi usoo qabteen.

Dhinaca kale qarax gaari lagu soo xiray ayaa galabta ka dhacay degmada Warta Nabada gaar ahaan goob ay joogeen ciidamo katirsan Nabad sugida dhar cadka, qaraxan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo askari.

Ciidamada dhaawaca askartan qaaday ayaa rasaas ay fureen waxaa ku geeriyootay gabar ardayad aheyd oo wadada mareysay, waxaana meydka gabadhan la geeyay xarunta Dambi baarista CID.-da si baaritaan loogu sameeyo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay, waxaana qeybo kamid ah magaalada ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheesan, mana jiraan ilaa hada cid laamaha ammaanka usoo qabteen falalka amaan daro ee soo kordhay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -