Guddoomiyihii guddiga Doorashada Hirshabelle oo Eedeyn culus u jeediyay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saakay shaqada ka eryay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle, kaddib markii uu ku eedeeyay in go’aano halis ah uu qaatay.

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle ee shaqada laga eryay Axmed Xasan Diini oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baledweyne ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo xubno katirsan maamulkiisa in faragalin toos ah ku hayaan doorashada.

Waxa uu sheegay Axmed Diini in Madaxweynaha Hirshabelle iyo xubno ku dhaw dhaw caqabad ku noqdeen sii socoshada doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ayna taasi keentay in doorashada hakad gasho.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle qaatay go’aano halis galin kara doorashada, waxa uuna ku eedeeyay halka uu degan yahay ka sameestay xubno isaga u diiwaangeliya musharaxiinta lana wareegay shaqadii guddiga.

“Waxaad ogtihiin in maalmahan doorashada Hirshabeelle ay hakad ku jirtay, sababaha keenana ay tahay faragelin ay ku hayeen Madaxda Maamulka Hirshabelle, waxaana caddeyneynaa in la faragelin lagu haayo shaqadii Guddiga doorashada” ayuu yiri Axmed Xasan .

Khilaafkan soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Hirshabelle ayaa timid kaddib markii guddoomiyaha xalay soo saaray liiska Odayaasha soo xulaya saddex kursi taas oo ka careesiisay Madaxweyne Guudlaawe.

Doorashadii ka socotay magaalada Baledweyne ayaa hakad gashay kaddib markii khilaaf ka dhashay in kuraasta qaar ee lagu dooranayo magaalada Baledweyne la isku khilaafay in doorashadooda noqoto mid daah furan oo lagu tartamo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -