Madaxweyne Biden oo Hanjabaad culus hawada u mariyay Madaxweynaha Ruushka

Xiriirka ka dhaxeeya dowladdaha Nareykanka iyo Ruushka ayaa sii xumaanaya, waxaana laga cabsi qabaa ciidamada labada dal in ay isku fara saaraan dalka Ukraine hadii ciidamada Ruushka dalkaasi duullaan ku qaadaan.

Waxaa sii kordhaya wallaaca wadamadda Yurub iyo Mareykanka ka qabaan ciidamada Xukumadda Mascow soo dhoobtay xadka dalka Ukraine, waxaana looga digay Ruushka in ay weerar ku qaadaan dalka dariska la ah.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in cawaaqib xumo aan laga fiirsan ay kadhalan karto hadii uu Mdaxweyne Putin amro in ciidamadiisa ku duulaan wadanka Ukraine.

Joe Biden, ayaa sidoo kale ugu hanjabay Madaxweynaha Ruushka in ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn adag hadii uu ka dhabeeyo duullaanka uu duunayo in uu ku qaado dalka Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaa marar badan beenisay in ay duullaan ku yihiin dalka Ukraine, waxa ayna Ruushka walaca ka muujiyeen ciidamada NATO ka socda ee lasoo dhoobay xadka dalka Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -