Ciidanka Itoobiya oo mar kale qorsheynaya iney weeraraan caasimada Tigray ee Makelle

Milateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle ayna ka takhalusaan xoogagga TPLF, sida uu REUTERS u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika waxaa ka socda dagaallo muddo ka badan hal sano ka socday, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya Tigrayga.

Toddobaadkan laba dublamaasi oo Maraykan ah ayaa u duulay Addis Ababa si ay u riixaan xabbad-joojin, iyagoo isku dayaya inay xal nabadeed ka dhaadhiciyaan dhinacyada oo dhan.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ilaa kooxda TPLF ay meesha ka saarayso.

“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto ciidan naga celinaya in aan galno, waan galeynaa, cadawgana waanu ka saaraynaa, waa in aan la isku wareerin” ayuu yiri.

“Shacabka Itoobiya yaanay moodin inuu dhammaaday dagaalkii, ma dhammaan, cadawgiina weli wuu taagan yahay, waana in gebi ahaanba meesha laga saaro” ayuu intaas ku daray

Dhanka kale, taliyaha ciidamada cirka Yilma Merdasa ayaa beeniyay in la bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee iska horimaadyada, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay haystaan ​​tiknoolajiyada ay kaga fogaan karaan inay sidaas sameeyaan.

“Sheekada TPLF ee ah in ciidamadeena cirka ay bartilmaansadaan dadka rayidka ah waa been,” ayuu ka sheegay telefishinka Itoobiya ee Broadcast Corporation.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Abiy uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qoomiyadaha halka Abiy uu sheegay in TPLF ay u gaajaysan tahay inay la wareegto awooddii qaran ee ay hore u haysay.

Colaadda, oo billowday Noofambar 2020, ayaa barakicisay malaayiin waxayna dhalisay gaajo baahsan.

 

- Advertisement -