Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo kormeer ku tagay xarunta Taliska Sirdoonka Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.

Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Related posts

Xisbullah oo gantaallo badan ku garaacday waqooyiga Israa’iil ka dib markii..

Caydiid Ali

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay danjire Kubai Iringo? (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal sare oo katirsanaa Kooxda Islamik Jihad oo saakay la dilay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---