Beesha caalamka oo ka hor timid go’aanka garoonka Aadan cadde looga saarayo NISA

Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ka soo baxay Wasiirka Amniga kaasoo la xiriiray in Ciidamada Hay’adda NISA ay faraha kala baxaan shaqada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ayaa waxaa si toos ah loogu wargeliyay RW Maxamed Xuseen Rooble in talaabada Wasiirka Amniga ee garoonka Dayuuradaha ay walaac-galinayso dhankooda.

Allbanaadir online ayaa sidoo kale ogaatay in fiidnimadii xalay xubno ka tirsan Safaaradda Mareykanka ay teleefon kula hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Amnigaba, iyagoo laga dalbaday iney sharaxaad ka bixiyaan qoraalkooda iyo ujeedada laga leeyahay.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ka cabsi qaba in haddii ciidanka dharcada ah laga saaro garoonka Aadan cadde ay ka dhalato saameyn iyo debecsanaan dhinaca amniga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -