Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal & ciidamo ka soo goostay Al-Shabaab oo Baydhabo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay iney isku soo dhiibeen Maamulka koonfur Galbeed

Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq Tooxow iyo dagaalyahano uu hoggaaminayay oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgasha Koonfur galbeed

NISA ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku soo Bandhigtey 6 ka Mid ah Al-shabaab oo uu ku jiro sarkaalkan.

Dagaalyahanada isku soo dhiibay Ciidanka NISA ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Nuur Xasan Aadan Yarow (Butug) ,Shama’arke Cabduqaadir Yarow (Saadaq,), Xasan Maxamed Suubow oo Al-Shabaab dhaxdooda looga yaqaanay (Al-Ansaar), Xasan Ibraahim (gaaba Kuusow Sakariye) iyo Cabdullaahi Ibraahim Gurey (Budiil).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka guuraya gurigiisa New Yourk iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

ATMIS oo War xasaasi ah kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Jubbaland

Cabdi Cade

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarada Mareykanka ku leeyahay magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---