Ra’isul Wasaare Rooble oo isku dayaya Qancinta Midowga Musharaxiinta

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo sidii ay usii socon laheyd doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo khilaaf ka jiro sida ay hada ku bilaabatay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku dalbadeen in la hakiyo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka , waxa ayna musharaxiinta walaac ka muujiyeen sida musuqa ee doorashada ku bilaabatay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya oo si hoose xiriiro ula sameeyay qaar kamid ah golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka codsaday in xaalada la dejiyo uuna wado dadaalo lagu saxayo khaladaadka ka jira doorashada.

Rooble ayaa u sheegay xubnaha uu la hadlay in hakiyeen qaar kamid ah doorashooyinkii muranka la galiyay , waxa uuna xusay in hada wadaan in doorashada loo maro habraacyadii saxda ahaa ee loo diyaariyay.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in wali ku dhegan yihiin go’aankoodii ahaa in la hakiyo doorashada inta laga gaarayo heshiis lagana dhigayo doorashada mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah,

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa hakad ku jira labadii isbuuc ee lasoo dhaafay, waxaana dhawaan magaalooyinka Muqdisho , Dhuusomareeb iyo Baydhabo ka dhacay doorashooyin qaarkood muran la galiyay dibna loo laalay natiijadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -