Markabkii ugu horeeyay oo saakay kusoo xirtay Dekadda Garacad (Daawo Sawirada)

Markab ganacsi oo waday alaab kala duwan iyo gaadiid ayaa saakay markii ugu horeesay kusoo xirtay dekadda Garacad ee Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, waxaana markabkan dekadda kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo bulshada deegaankaasi.

Dekadda Garacad oo dhawaan lagu sameeyay dib u dhis balaaran ayaa suurto gashay in uu saakay kusoo xirto markab ganacsi , waxaana markabkan u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo alaabo kala duwan kusoo rartay.

Masuuliyiin ka hadashay markabkan kusoo xirtay Dekadda Garacad ayaa guul weyn ku tilmaamay in dekadda shaqo bilowddo ayna kusoo xirtaan maraakiib iyo doonyo ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliya.

Dhismaha Dekaddan waxaa ku baxday lacag aad u tiro badan, waana dekadda labaad oo si rasmi ah uga shaqeesa deegaanada Puntland taa oo la filayo in ay saro u qaado dakhliga soo gala maamulka iyo horumarka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -