Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowadda Ingiriiska ee Soomaaliya danjire kate Foster.
Ā
Kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan dardargalinta doorashada golaha Shacabka, Amniga iyo maashaariicda.
Ā
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowaan deegaanada Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka oo si daahfuran u qabsoomi doonto waxa uuna sheegay in muwaadiniinta musharixiinta fursad siman la siin doono.
Ā
Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixiyay dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha ee ku gadaaman deegaanada hirshabeelle oo muhiim ay tahay in nagala caawiyo ka hortaga fatahaadaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -