Kursig HOPE054 oo Tartan adag Wajahaya iyo Musharax aan la fileyn oo soo shaac baxay

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug waxaa beri oo arbaco ah ka bilaabanaya doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana doorashada kuraasta qaar ee taala Dhuusomareeb wajahayaan loolan adag.

Kusiga HOPE054 oo kamid ah kuraasta usbuucan lagu dooranayo Galmudug ayaa waxa uu kamid noqonayaa kuraasta ugu tartanka adag ilaa hada inta la ogyahay doorashada kuraasta kale ee ka dhaceysa Dhuusomareeb.

Kursigaan oo uu horay ugu fadhiyay Xil.C/shakuur Cali Mire, horayna loo saadaalinayay in uu mar kale cidla kasoo qaadan doono kurisaga oo aanu tartan adag waajihi doonin ayaa hal mar is badalay, iyadoo ay shalay soo ifbexeen musharixiin saamayn ballaaraN leh,

Waxaa ilaa hadda kurisan isku soo  sharaxay ilaa 5 musharax oo uu ku jiro Xildhibaanka waqtigiisa dhamaaday, waxaana musharaxiinta qaar ku jira kuwa miisaan culus leh oo hurdada u diiday Xildhibaanka Waqtigiisa dhamaaday.

Murashaxiinta ugu cad cad kursigaan ayaa waxaa kamid Cabdullaahi Cali Cabdi, oo nin dhalinyaro  ganacsada ah, Waa murashax saamayn aad u ballaaran ku dhex leeyahay beesha ku suntan kursiga, wuxuu sidoo kale taageero ballaaran ka helayaa mid kamid ah xafiisyada dalka ugu sarreeya.

Musharax Cabdullaahi Cali Cabdi,  oo aan horay u shaacinin musharaxnimadiisa ayaa shalay un lagu baraarugay isga oo qaadanaya shahaadada musharraxnimada kursiga, taas markiiba badashay jawiga tartamayaasha kursiga.

Doorashada kursigan ayaana noqon doona mid saameyn badan yeesha, waxaana kursigan hadii uusan imaan musuq maasuq baahsan halis ku imaan karaa hanka Xildhibaanka waqtigiisa dhamaaday ee Cabdishakuur Cali Mire .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -