Doorashadii ka dhacday Turkiga oo lagu guuleystay iyo Farmaajo oo hambalyo diray

Madaxweynaha xilka haya ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ku guuleystay xilka Madaxweynaha dalkaasi markii Shacabka dalkaasi u doorteen inuu mar kale hogaanka qabto.

Codadka in ka badan 90% oo la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay in ka badan 53%, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu dalka Turkiga sii hoggaamiyo, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa bilaabay inay u hambalyeeyaan madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad, Hoggaamiyaha Falastiin Maxuud Cabbaas, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi farmaajo iyo madax kale.

Taageerayaasha madaxweynaha dib loo doortay ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha hogaamiyahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -