(Sawirro) Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo la gaarsiiyey Agabka Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa agabkii Doorashada Golaha Shacabka u kala diray degaanada  Dowlad Goboleedka Galmudug ee loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada.

qoraal ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in maalinta berri ah agabkii Doorashada loo kala diri doono Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Isla maanta waxa Guddiyada Somaliland iyo Banaadiriga lagu wareejiey Agabkii Doorashada Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay magaalooyinka dalka qaarkood ka bilaabato Doorashooyinka Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -