Wasiir Badda dhaxdeeda ku duubay Muuqaal uu shir uga qeyb galayay (Sawirro)

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa khudbad uu badda dhaxdeeda ku duubay Wasiirka arrimaha dibadda Jasiiradda Tuvalu Simon Kofe, ee ku taalla badda Baasiifigga .

Wasiirka ayaa khudbad uu ugu tala galay shirka COP26 ee isbeddelka cimilada ku duubay badda dhexdeeda, waxa uuna  Wasiirka badda ugu dhax duubay khudbada si uu diiradda loo saaro khataraha heerka biyaha badda ee sare u sii kacaya.

Fariintan uu duubay todobaadkii hore Wasiirka arrimaha dibadda Jasiiradda Tuvalu Simon Kofe shalay laga daawaday shirka, waxaana fariintan iyo habka uu u gudbiyay Wasiirka ka dhalatay hadal heyn badan.

Muuqaalka iyo Sawiradda laga soo duubay Wasiirka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa abuuray hadal heyn badan, dad badan ayaana amaanay habka Wasiirka fariintiisa u gudbiyay iyo sida uu u muujiyay khataraha heerka biyaha badda ee sare usii kacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -